Kasdareen. The Holistic Psychology

Baale, Shanwiil

Omschrijving

Miyaysan ahayn arrin la-yaab leh in aynnu dhigannay taariikh, xisaab, iyo juquraafi, balse aynnu seegnay fasalkii ahaa sida loogu noolaado nolol wanaagsan? Miyuuse jiray fasalkaas horta? Ka warran haddii aan ku dhaho fasalkaas casharradii lagu dhigi lahaa waxaad ka dheegan kartaa dhiganahaan, waxaana macallimiin kuu noqonaya Epictetus, Martin Seligman, B. J Fogg, Mark Hyman, Kelly McGonigal, Matthew Walker, Cal Newport, Kristin Neff iyo Wallace D. Wattles! Sannaddii 2007 ayaa waxaa ila soo daristay murugo xanuun badan oo igu qasabtay in aan buugaagta ka raadiyo nafis iyo wehel, si aan uga baxsado ciriiriga dhul iyo midka seben ee aan dareemayay. Waxaa halkaas ka bilowday safarkaygaygii qaarinnimada, walow aan yaraantaydii jecelaa akhriska iyo qoraalka. Ma ahayn ruux akhriya buug kasta oo ay dadku ii faaniyaan ama maktabadda yaalla ee waxaan akhrin jiray uun mowduucyada aan xiiseeyo. Muddo markii ay buugaagtu ii ahaayeen barkin ayaan is-weydiiyay culuumtaan aad habeen iyo maalin ku cayilinayso caqligaaga oo aad ku quudinayso qalbigaaga, goorma ayaad wax ka qori ama bulshada uga faa'iideyn, inta ay naftu kaa nuuxnuuxsanyso? Aniga oo og in aanay dadkaygu jeclayn wax akhriska ayaan 2016 bilaabay in aan Youtube-ka ku baahiyo muuqaallo koobkooban. Nasiibwanaag, 2019 waxaan ka mid noqday dadkii ka badbaaday caabuqii Covid-19. Xabsi-gurigii uu cudurku igu xukumay ayaa waxaa ka dhashay in aan ku curiyo KASDAREEN.
€ 30,80
Paperback
 
Gratis verzending vanaf
€ 19,95 binnen Nederland
Schrijver
Baale, Shanwiil
Titel
Kasdareen. The Holistic Psychology
Uitgever
Looh Press
Jaar
2023
Taal
Somali
Pagina's
336
Gewicht
408 gr
EAN
9781912411658
Afmetingen
229 x 152 x 21 mm
Bindwijze
Paperback

U ontvangt bij ons altijd de laatste druk!


Rubrieken

Boekstra